Qaraxyo xoogan iyo rasaas weli laga maqlayo gudaha Hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho

Waxaa tan iyo shalay wali aanan lasoo afjarin weerarki ay kooxo hubeysan oo loo maleynayo in ay yihiin Al Shabaab ku qaadeen hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho.

Dadka dagan agagaarka hotelka ayaa sheegaya in wali la maqlayo rasaas teel teel ah iyo qaraxyo, kuwaas oo ay is weeydaarsanayaan ciidamada amaanka iyo dableysa weerarka ku qaaday hotelka.

Iyadoo ay wali waqti subax ah u tahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in hey’adaha amaanka ee Dowlada Soomaaliya ay warbixin ka siiyaan warbaahinta halka uu xaal marayo.

Dadka ku dhintay qaraxa ayaanan tiro sax ah laga hayen hase yeeshee ilo wareedyo laga helayo goobaha caafimaadka iyo goobjoogayaasha ayaa sheegaya in weerarka hotel Ambassador ay ku dhinteen in ka badan 10 ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya ku dhawaad 50.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah laba xildhibaan oo kala ah, Xildhibaan C/laahi Jaamac Kabaweyne iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Guure, kuwaas oo sida la sheegay lagu dilay gudaha hoteelka.

Weerarka oo dhacay shalay maqribki ayaa waxaa uu ahaa mid ka mid ah kuwi ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca caasimada Muqdisho sanadkaan 2016-ka.

error: Content is protected !!