Jadwalka xilliyadda afurka bisha Ramadaan ee dalka Soomaaliya oo lasoo saaray

Wasaarada awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay shax ay ku qoran tahay saacadaha afurka iyo afxirka bisha barakaysan ee Ramadaan oo la rajeynayo in toddobaadka soo socda bilato.

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta C/qaadir sheikh Cali Baqdaadi ayaa sheegay in maadaama ay fooda nagu soo hayso bishii barakaysnayd ee Ramadaan, loo baahan yahay in Ummada Soomaaliyeed ee Musliminta ah ay u diyaar-garoobaan bishaasi khayrka badan, wuxuuna xusay in shaacinta mar uu bilaabanayo soonku ay leedahay wasaaradda oo kaliya.

Wasiirka oo la hadlayay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa intaasi ku daray in doorka wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ay tahay inay baahiso rukunada diiniga ah sida Ramadaanka xilliga la soomayo iyo xilliga la afurayo iyo waliba waqtiyada ama saacadaha la afurayo.

Wasiirku waxa uu uga digay dadka caadaysatay inay khilaafaan waqtiyada oo ka hormara ama ka  dambeeya inay ka waantoobaan, isagoo xusay in kuwaasi ay khilaafayaan amarada Wasaaradda, wuxuua ka codsaday shacabka Somaliyeed inay la shaqeeyaan wasaradda iyo culumada ku howlan arrintaasi, wxuuna tilmaamay inay soo saareen saacadaha la afurayo ee ku aadan gobolada dalka.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isna ka hadlay arrintaasi waxa uuna ku dheeraaday in wasaaradda warfaafinta ay tahay hanuunin iyo wacyigalin, islamrkaana waxa uu tilmaamay in muddada uu socdo ramadaanku ay sii dayn doonaan barnaamijyo diini ah ku aadan bisha barakaysan ee Ramadaan.

Halkan hoose ka aqriso Saacadaha afurka ee Gobolada Dalka Soomaaliya

Ramadan-Time-Table

error: Content is protected !!