Maxamed Aadan oo sheegay in ciidanka xoogga ay dhawaan la wareegi doonaan sugidda amaanka dalka

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uga qeyb galay shir muhiim ay isugu yimaadeen taliyeyaasha ciidamada dalalka Afrika.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii dalalka Afrika u sameysan lahaayeen Ciidamo gurmad ah, iyadoo intii uu socday shirka la isla soo qaaday ka bixitaanka Ciidamada AMISOM iyo dhismaha ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa shirka ka sheegay in dowladda Soomaaliya u diyaar garoobeyso sidii ay ammaanka dalka ula wareegi laheyd, isla markaana looga maarmi lahaa Ciidamada shisheeye.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa uga mahad celiyay dalalka Ciidamada u soo diray Soomaaliya, waxaana uu xusay in lagama maarmaan tahay in la taageero ciidamada Soomaaliyeed.

error: Content is protected !!