Dhowr madaafiic oo lagu weeraray xerada Xalane ee Muqdisho

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya madaafiic habeenkii xalay ku dhacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaar ka mid ah madaafiicdaasi ay gudaha ugu dhaceen xerada Xalane.

Madaafiicdaas ayaa qal qal geliyay dadka ku nool degmada Wadajir, inkastoo aan lasoo sheegin wax khasaare ah.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen daryanka madaafiicda, isla markaana ilaa saddex hoobiye ay soo dhaceen oo gudaha ugu dhacay xerada Xalane.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah kooxihii madaafiicda kusoo tuuray degmada Wadajir, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee SONNA.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Xalane ayaa beeniyay in madaafiicda ay ku dhaceen Xalane, waxaa uu xusay in madaafiicda ay ku dhaceen meel kaawo ah oo aan wax khasaare ah geysan.

Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in aanay jirin wax madaafiic ah oo kusoo dhacay Xalane, balse madaafiicda ay ku dhaceen meel ku dhow xerada.

Al-shabaab ayaa qoraalo baraha Internet-ka soo dhigtay waxay ku sheegtay in illaa shan madfac ku weerartay xarunta Xalane.

Xarunta Xalane oo ah goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo, kuna taal xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu talis u yahay howl galka AMISOM, sidoo kale waxaa ku yaala qaar ka mid ah safaaradaha reer galbeedka iyo xafiiska Qaramada Midoobey.

error: Content is protected !!