Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu u ambabaxo magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Safarka madaxweynaha ee Nairobi ayaa uljeedkiisa yahay sidii madaxda Kenya uu ugala hadli lahaa go’aanka dowladda Kenya ku dooneyso inay dhamaadka sanadkaan ku xirto xeryaha qaxootiga ee ku yaala dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan sheegay in aanay sax aheyn in qaxootiga dib loo soo celiyo, isla markaana ay dowladda Kenya kala hadlayaan arrinta qaxootiga.

Lama oga waxa uu ka bedeli doono safarka madaxweynaha ee Nairobi go’aanka dowladda Kenya xiritaanka xeryaha qaxootiga.

Dowladda Soomaaliya iyo hey’addaha qaxootiga iyo kuwa xuquuqul insaanka ayaa walaac ka muujiysy in xilligaan dib loo soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan xeryaha Dhadhaab.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Kenya ayaa ku andacootay in falalka amni dari ee ka dhaca gudaha dalkeeda laga soo abaabulo xeryaha qaxootiga.

error: Content is protected !!