Shan askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM oo maanta la qabtay iyo waxyaabo lagu soo eedeeyay

Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay ilaa shan askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM iyo 10-qof oo Soomaali ah, kuwaas oo iibinayay qalabka loo keeno ciidanka AMISOM.

Askarta iyo dadkaan ayaa ciidamada ammaanka Soomaaliya waxay ka qabteen garaash ku yaala wakaaladii biyaha ee agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu qabtay ciidanka AMISOM iyo dadkaan ayaa wuxuu sheegay in ciidanka amaanka ay daba socdeen arintaan ugu danbayntiina maanta ay u suurta gashay inay qabtaan shaqsiyaadkaan iyo alaabihii ay iibinayeen.

“Waxaan ku qabanay alaabo badan oo ay iibinayeen, kuwaas oo ka mid ah qalabka AMISOM, waxaana ku jira jawaanada Difaaca, Telephone-no, Qalabka Rasaaska lagu qaato, Shidaal badan iyo Alaabo kale.” Sidaasi waxaa yiri taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa asna dhankiisa sheegay in ciidanka AMISOM ee la qabtay iyo dadka la shaqaynayay  sharciga la horkeeni doono, wuxuuna ciidanka amaanka ku amaanay talaabadaan  ay qaadeen.

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in arintaan ay tahay danbi oo aysan ka haraynin dowlada Soomaaliya.

Taliska ciidanka AMISOM ayaanan arintaan wali wax war ah ka soo saarin, inkastoo horay u jireen eedeymo loo jeediyay Ciidamada oo ku saabsanaa inay iibsadaan rasaasta iyo shidaalka.

error: Content is protected !!