Wararkii ugu dambeeyay dagaal la isku jilbo jabsaday oo ka dhacay koonfurta gobolka Sool

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal dad badan ku dhinteen oo ka dhacay deegaanka Dharkeen-Geenyo ee Koofurta gobolka Sool, iyadoo ciidamada Somaliland ay ciidamo u dirtay maleeshiyaadka ku dagaalamaya deegaankaas.

Dagaalada ka socday deegaankaas labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa waxaa ku dhintay ilaa 20-ruux, halka tiro intaas ka badan ku dhaawacmeen.

Wasiirka warfaafinta ee maamulka Somaliland Cismaan C/laahi Saxar-diid ayaa sheegay in dagaalka uu dhex maray labo beelood oo ka tirsan bulshada Somaliland, isla markaana dagaalka ku bilowday si kedis ah.

Waxaa uu sheegay in dagaalka ay ku dhinteen labaatameeyo ruux, tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen, waxaana uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo.

Mr Saxar-diid ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu armay in ciidamada militeriga Somaliland ay kala dhex galaan labada ciidan ee dagaalamaya, ayna la wareegaan ammaanka.

“Meesha dhibka weyn uu ka dhacay ee Dharkeyn-Geenyo dagaalka waa ka joogsaday, ciidamada Somaliland ayaa gacanta ku haya ammaanka deegaanka”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Odayaal iyo waxgarad deegaanka ayaa ku baaqayay in la joojiyo dagaalada ku soo laabtay deegaano ka tirsan Gobolka Sool, iyadoo beelo wada dega gobolkaas ay kala tirsanayaan eedooyin iyo arrimo kale.

error: Content is protected !!