Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho taariikhi ah ku tagay xerada Dhadhaab ee Kenya

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw gaaray xerada Dhadhaab ee ku taala gobolka waqooyi bari Kenya.

Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ee xerada Dhadhaab ayaa ah markii ugu horeysay uu booqdo xeradaas iyo sidoo kale guud ahaan xerooyinka qaxootiga ee Kenya.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqashadaan noqoneysa booqashadii ugu horeysay ee uu ku tago halkaasi tan iyo markii loo doortay xilkaan madaxweynenimo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaasi kula kulmay arday wax ku barata xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo uu maanta booqday.

Waxaa wafdiga madaxweynaha kasii horeeyay wafdi kale oo uu hor kacayay wasiirka arrimaha dibbada Soomaaliya C/salaam Hadliye Cumar.

Ugu dambeyntii, dowladda Kenya ayaa hore u shaacisay iney xiri doonto bisha November ee sanadkaan xerada Dhadhaab oo ay ku nool yihiin qaxooti badan oo Soomaali ah.

error: Content is protected !!