Axmed Madoobe oo cafis u fidiyay maxaabiis ku xirnayd xabsiga Kismaayo

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa cafis u fidiyay maxaabiista ku xiran xabsiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Axmed Madoobe oo wariyeyaasha la hadlayay ayaa sheegay in fadliga bisha Ramadaan awgeed ay cafis u fidiyeen maxaabiista loo heysto dambiyada yar yar.

“Waxaa rabnaa in idin sheego in fadliga bisha Ramadaan awgeed in maxaabiista xiran ee dambiyada yar yar galay in la cafiyay oo la sii deynayo”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha amniga uu u gudbinayo fariinta ku aadan in laba-laabo howsha maamulkiisa, iyadoo la guda jiro cibaadada.

Ugu dambeyntii, maxaabiis loo soo qabtay dambiyo kala duwan ayaa ku xiran xabsiga magaalada Kismaayo, waxaana maxaabiista qaar ku jira kuwo lagu eedeynayo inay dilal geysteen, kuwaas oo maxkamad sugayaal ah.

error: Content is protected !!