Qaraxyo ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga

Qarax baabuur oo lagu weeraray gaari bas ay booliska Turkiga lahaayeen ayaa waxaa ku dhintay 11 ruux bartamaha magaalada Istanbul.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in qaraxa uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo la dhigay wado dhinaceeda, iyadoo la qarxiyay, xilli uu gaariga baska uu dhinac marayay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa aheyd goob mashquul ah oo ku dhow goobaha taariikhiga ah ee ay ku badan yihiin dadka dalxiisayaasha ah

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay qaraxa, dadka dhintay ayaa waxay isugu jireen todobo boolis ah iyo afar rayid ah, halka 36 kalena ku dhaawacmeen

Dhinaca kale, sawiro la soo bandhigay ayaa muujinayay bur burka baabuurkii qaraxa lala eegtay iyo kuwa kale oo wadada yaala.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxyo muddooyinkii u dambeeyay ka dhacay magaalooyinka Turkiga, sida Istanbul iyo Ankara ayaa waxaa mas’uuliyada weeraradaas sheegtay Kooxda IS iyo kooxaha Kurdiyiinta.

error: Content is protected !!