DEG DEG:- Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

Qarax aad u xoogan ayaa goor-dhaweyd ka dhacay dhabarka dambe ee saldhiga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa la sheegay inuu ahaa Miino lagu rakibay dhabarka dambe ee saldhiga degmada Waaberi, waxaana qaraxaasi uu bur-bur xoogan u geystay saldhiga.

Dad goob-joogayaal ah oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in qaraxaasi uu geystay qasaare soo kala gaaray dad shacab iyo ciidamo ku sugnaa saldhiga, inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee qaraxaasi waxyeelada kasoo gaartay.

Bishaar Bashiir Geedi oo ah taliyaha qeybta guud booliska ee gobolka Banaadir ayaa sidoo kale warbaahinta Muqdisho u xaqiijiyay in qaraxaas uu ahaa miino la dhigay dhabarka dambe ee saldhiga islamarkaana uu bur-bur xoogan gaarsiiyay saldhigaas.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!