DEG DEG:- Shir albaabada u xiran oo haatan ka soconayo xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee Muqdisho

War goor dhaw naga soo gaaray xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in halkaasi uu haatan ka soconaayo shir aad u xasaasi ah.

Shirkaasi ayaa sida la sheegay waxaa ka qeyb galaya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha gobalka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) iyo saraakiil katirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Inkastoo wariyeyaasha loo diiday inay goob-joog ka ahaadaan shirkaasi ayaa hadane waxaa xog ahaan aan ku helnay in shirkaasi looga arinsanyo arimaha amniga caasimada Muqdisho iyo adkeyntiisa.

Dhinaca kale, saraakiisha ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed ee kulanka ku sugan ayaa madaxweynaha siin doona xog ku aadan sugida nabad gelyada magaalada Muqdisho iyo ka hortega weerarada ay soo maleegayaan Xarakada Al-shabaab.

Wixii kasoo kordho warkaan kala socda warbaahinta Bulshoweyn.com Insha Allah

error: Content is protected !!