DHAGEYSO:- Gudoomiyaha degmada Baraawe oo qeylo dhaan kasoo yeertay iyo warar sheegaya in..

Xog la helay oo warbaahinta Soomaalidu baahisay ayaa sheegtay in wareegto uu soo saaray gudoomiyaha gobolka Sh/hoose xilkii  looga qaaday gudoomiyihii maamulka degmada Baraawe.

Waxaa sidoo kale lasoo sheegayaa in buuq ka dhashay xilka qaadistaasi ay maanta ka jirto degmadaasi Baraawe.

Gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Maxamed Jaamac (Jeex) oo la sheegay in shaqada laga ruqseeyey ayaa waxa uu been abuur ku sheegay in xilka laga qaaday.

Waxa uu Xuseen Jeex si cod dheer ah ku sheegay in gudoomiyaha gobolka Sh/hoose uusan xilka ka qaadi karin balse uu sheegay in madaxweynaha dalka oo kaliya inuu xilka ka qaadi karo.

Ugu dambeyntii, gudoomiye Xuseen Jeex ayaa si kulul ugu eedeeyey xaalada jahwareer ee ka jirta magaalada Marka mid uu ka dambeeyo gudoomiyaha Sh/hoose doonayana sida magaalada Marka inuu ka dhigo degmada Baraawe waa sida uu hadalka u dhigaye.

error: Content is protected !!