Itoobiyaan lagu dilay magaalada Buuhoodle iyo xiisad kacsanaan oo ka taagan halkaas

Waxaa xiisad aad u xoogan laga soo sheegayaa inay ka taagan tahay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, kadib markii halkaasi lagu dilay labo nin oo Itoobiyaan ah oo midkood yahay sarkaal ciidan.

Dabley hubeysan oo aan la aqoonsan waxa ay yihiin ayaa dilkaan geysatay, wuxuuna ka dhacay dhinaca koonfureed ee xuduuda Itoobiya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dableydaas ay ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab, halka warar kalena ay sheegayaan in dilka ay geysteen dabley rayid ah oo reer Buuhoodle ah.

Labada nin ee la dilay ayaa la sheegay inuu midkood  yahay sarkaal ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ilaalada xuduuda qabalaha shaxda, kaasoo Soomaalidu u taqaanay Canbe.

Wararka ahaa sheegaya in sarkaalka uu  sidoo kale iibin jiray Khamriga.

Dhinaca kale, waxaa gebi ahaan hakad galay isu socodka gaadiidka labada dhinac, waxaana magaalada Buuhoodle laga soo sheegayaa inay ka jirto cabsi xoog leh oo laga baqayo aar-gudasho ay sameeyeen ciidamada Itoobiya.

error: Content is protected !!