Axmed Madoobe oo runta u sheegay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay adag tahay sameynta siyaasada ammniga qaranka, inta saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya lagu qeybsanaayo hab qabiil.

Wuxuu Axmed Madoobe sheegay in markasta ay muhiim tahay in ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo saraakiishooda inaan lagu kala qeybin qabiilka, taasi oo ah caqabada koowaad ee hor istaageysa dhismaha ciidan qaran.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay iyadoo laga fekeraayo dhismaha ciidanka qaranka in laga gudbo qabaa’ilka dadka Soomaaliyeed ay wax ku qeybsadaan, si ciidan qaran uu u dhismo.

“Inta saraakiisha ciidamada xooga dalka lagu soo xulaayo, kani waa reer hebel iyo reer hebel, ilama ahan in la dhisi karo siyaasad ciidan qaran ah, taliyaha ciidanka waa reer Hebel inta la leeyahay taasi waa ay adag tahay ciidanka waa inay noqdaan kuwa qaran oo isku dhafan oo qabiil aanan laheyn, balse leh qaran.” Sidaas waxaa yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay hadii Soomaaliya ay hesho ciidan qaran oo isku dhaf ah inay la dagaalami karto cadowgeeda oo ay ka adkaan karto.

Si kastaba ha ahaatee, horumar la’aanta heysata ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa ah awoodaha kala duwan ee ciidanka lagu qeybiyo habka qabiilka, taasi oo keenaysa in sarkaal kasta uu xooga saaro sidii uu u hubeyn lahaa ciidamada beeshiisa balse aanu dan ka yeelan ciidanka kale.

error: Content is protected !!