DAAWO SAWIRO:- Waa sidee xaaladda magaalada Marko kadib qabsashadii Al-shabaab

Iyadoo dhawaantaan gacan ku haynta magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ay la wareegeen ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ka dib markii ay halkaas isaga tageen ciidamadii dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa halkaasi ayaa xaaladda magaaladaasi waxay haatan tahay mid degan

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo laga soo qaaday muuqaalo sawiro ah ayaa lagu arkayay wadooyinka magaalada Marko, iyagoo ay caruurta magaalada ku noolayd ay daba-ordayso.

Xarumihii ku yaalay bartamaha magaalada Marko islamarkaana ay hore ugu sugnaayeen ciidamadii dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Ciidamadaasi Al-shabaabka ah ayaa sida sawirada muujinaayo waxay ku gaaf-wareegayaan xarumahaasi iyo sidoo kale bartamaha magaalada Marko.

Dhinaca kale, isku socodka gaadiidka iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee ka jiray bartamaha magaalada Marko ayaa haatan waxa uu yahay mid si caadi ah u shaqeeynaya, inkastoo dadka shacabka ah ee ku nool magaalada ay muujinayaan cabsi weyn oo ku aadan in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay mar kale soo rogaal celiyaan islamarkaana uu halkaasi ka bilawdo dagaal culus.

Marko-Alshabaab01 Marko-Alshabaab02 Marko-Alshabaab03 Marko-Alshabaab04 Marko-Alshabaab05 Marko-Alshabaab06

error: Content is protected !!