DAAWO SAWIRO:- Laba wiil Soomaali ah oo Nairobi lagu dilay iyo saraakiisha dalkaasi oo ka hadashay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in ciidanka booliska ee dalkaasi ay xaafadda oo ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii ay ku toogteen labo wiil oo Soomaali ah.

Saraakiil Kenyan ah oo la hadlay warbaahinta gudaha dalka Kenya oo faah faahin ka bixiyay sababta dilka loogu geystay labadaasi wiil ee Soomaalida ah ayaa sheegay in ay tahay, iyagoo dadka ku nool Islii xilliga habeenkii ah dhici jiray.

Waxay sidoo kale saraakiishaas sheegeen in labadaas wiil ee la toogtay ay ka mid ahaayeen koox burcad ah oo dadka dhaca, kuwaas oo la magac baxay Super Power .

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamada dalka Kenya gudaha magaalada Nairobi ay ku dilaan dad Soomaali ah oo ku nool wadankeeda, inkastoo dilkaan uu yahay mid ka duwan kuwii hore.

Wiil-Soomaali-Super

error: Content is protected !!