Maamulka Jubbaland oo xabsiga dhigay afar wariye oo ku sugan Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe ay xabsiga u taxaabeen afar wariye oo magaaladaasi ka howlgasha.

Wariyaasha la xiray ayaa waxaa ka mid ahaa wakiilka idaacadda VOA-da, iyadoona sidoo kale ay ku jiraan 3 wariye kale oo u kala shaqeynaya Teleefishinada SNTV, SOMALI CABLE iyo sidoo kale idaacadda STAR FM, waxayna magacyadooda kala yihiin sida hoos ku xusan.

  1. Khadar Maxamuud Xareed oo ahaa wakiilka VOA ee Kismaayo
  2. Maxamed Qaasim Waxar oo Kismaayo uga soo warrama  Idaacadda STAR FM ee Kenya
  3. Cabdiqaadir Jiijiile oo ka tirsan Telefishanka Somali Cable
  4. Aadan Maxamed Salaad oo ka tirsan SNTV

Ilaa iyo haatan lama oga sababta loo xiray afartaas wariye, balse ilo xog ogaal aynu ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in wariyaashaasi lagu xiray amar ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee maamulka Jubbaland.

error: Content is protected !!