Ra’iisul wasaare David Cameron oo maanta xilka ka dagi doono iyo Theresa May oo xilka si toos ah ula wareegi doonto

Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah ah uu si toos ah uga tago xafiiskiisa, kadib markii uu dhawaan ku dhawaaqay inuu is casilaayo.

David Cameron ayaa warqadiisa istiqaalada ah maanta u gudbin doonaa boqorada dalka UK, ka hor waxa uu tagi doonaa Baarlamaanka dalkaasi isaga oo si caadi ah uga jawaabi doona su’aalo la weydiin doono.

Maalintii shalay ayuu David Cameron shir gudoomiyay shirkii caadiga ahaa ee golaha wasiirada dalka UK, waxaana shirkaasi uu noqon doonaa kii ugu dambeeyay ee uu shir gudoomiyo.

Dhinaca kale, waxaa la filayaa xilka ra’iisul wasaaraha dalka UK inay la wareegto haweeneyda lagu magacaabo Theresa May, iyada oo noqon doonta ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaas.

Xil ka degista David Cameron ayaa ka dambeysay kadib markii shacabkii ay u codeeyeen inay ka baxaan kasii mid ahaanshiyaha ururka Midowga Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu dalka UK haatan galayaa xaalad cusub oo ku aadan dhanka hogaanka, iyadoo ay jirto saameyntii ka dhalatay ka bixitaankii shacabka UK ay u codeeyeen inay ka baxayaan ururka Midowga Yurub, taas oo durbadiiba laga dareemay qiimo dhac baahsan oo ku yimid lacagta Giniga ee laga isticmaalo dalkaas.

error: Content is protected !!