Weerar culus oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya

Wararka naga soo gaaraya gobalka Bay ayaa waxa uu sheegaya in ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen ciidamada militariga ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan degaanka Goof-gaduud.

Weerarkaasi oo ahaa mid aad u culus ayaa markii dambe isku badalay dagaal fool-ka-fool ah oo dhexmaray ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Cismaan Khaliif oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda ay iska difaaceen weerarkii ay soo qaadeen ciidanka Al-shabaab islamarkaana sheegay inay Shabaab ka dileen ilaa 15 dagaalyahano ah.

Dhinaca kale, ilaa iyo haatan ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheegashada sarkaalkaan ka tirsan ciidanka milatariga dowladda federaalka Soomaaliya ee ahaa inay dileen 15 Al-shabaab ah, sidoo kalena ma jirto  hadal kasoo baxay saraakiisha ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo ay ku xaqiijinayaan arrintaan.

error: Content is protected !!