DAAWO SAWIRO:- Dharkii ciidanka dowladda Soomaaliya ee Al-shabaab loo waday oo lasoo bandhigay

Waxaa maanta koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug lagu soo bandhigay gaari ay saarnaayeen dharka ciidanka dowladda iyo agab kale, kuwaas oo sida la sheegay loo waday ciidanka Al-shabaab.

G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar oo ah taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada nabad sugidda iyo kuwa booliska ee koonfurta Gaalkacyo ay gacanta ku dhigeen saanadaan ciidan oo ku socotay Al-shabaab, islamarkaana ay xireen dadkii waday qalabkan.

Taliye Cali Gadaar ayaa sidoo kale tilmaamay in qalabkaan ay Shabaabku doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, hase ahaatee xoga badan oo ciidankooda ay ka heleen shacabka kadib lagu guulaystay in gacanta lagu dhigo.

Ugu dambeyntii, wuxuu taliye Gadaar sheegay in ciidanka nabad sugidda ay baaritaan ku sameyn doonaan dadkii agabyadaan u waday ururka Al-shabaab, islamarkaana cadaalada la horkeeni doono.
Dhar-Ciidan-Alshab03 Dhar-Ciidan-Alshab04 Dhar-Ciidan-Alshab05 Dhar-Ciidan-Alshab06 Dhar-Ciidan-Alshab07 Dhar-Ciidan-Alshab08 Dhar-Ciidan-Alshab09 Dhar-Ciidan-Alshab10 Dhar-Ciidan-Alshab11

error: Content is protected !!