DEG DEG:- Gaari dhar ciidan ah u waday Al-shabaab oo lagu qabtay koonfurta Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in ciidanka ammaanka ee Galmudug ay gacanta ku dhigeen gaari dharka ciidanka dowladda Soomaaliya u waday ciidanka Al-shabaab.

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah aynu kasoo xiganay saraakiil ka tirsan hay’adda nabad sugidda ayaa sheegay in gaariga uu ka amba-baxay magaalada Gaalkacyo islamarkaana uu u socday magaalada Xarar-dheere ee koonfurta gobalka Mudug.

Ma jiraan war madax banaan oo sheegaya halka laga keenay dharka ciidanka dowladda ee u socday dhinaca Al-shabaab.

Dhinaca kale, ciidanka NISA ee maamulka Galmudug ayaa sheegay inay baaritaan culus ay wadaan sidii ay ku heli lahaayeen xogta ah, meesha dharka laga keenay iyo ciddii arrinkaasi ka dambeysay.

Lama oga sida uu baaritaanka ku dambeyn doono, balse warar ay heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaya in dharkaasi lagu wareejin doono dowladda dhexe ee Soomaaliya, inkastoo waqtiyadda ina soo aadan la ogaan doono halka uu xaalka ku dambeeyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe Insha Allaah

error: Content is protected !!