DEG DEG:- Nin Al-shabaab ka tirsan oo weerar xoogan ku qaaday saldhig ku yaala Kenya

War goordhaw nasoo gaaray ayaa waxa uu sheegaya in nin ka tirsan XarakadaAl-shabaab uu weerar culus ku qaaday xabsi ku yaala Kapenguria ee galbeedka dalka Kenya.

Nin la sheegay inuu ka tirsan yahay Xarakada Al-shabaab islamarkaana ku xirnaa saldhig ciidanka booliska Kenya ay ku leeyihiin magaalada Kapenguria uu gacanta u galay qori AK-47, waxaana uu ninkaasi toogtay ilaa afar sargaal Kenyan ah oo ku sugnaa saldhiga.

Dhinaca kale, warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in ninkaas oo la aaminsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab uu weli haysto saldhiga ciidanka booliska ee Kapenguria islamarkaana ay halkaas ku hareereysan yihiin ciidamada gaarka ah ee dalka Kenya.

Ilaa iyo haatan waxaa saldhiga laga maqalayaa rasaas culus oo dhaceysa, waxaana sidoo kale weli socda howlgal lagu soo afjarayo weerarka ka socda saldhigaas ciidan oo ku yaala magaalada Kapenguria ee galbeedka Kenya.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!