Mas’uul ka tirsanaa maamulka Puntland oo lagu xukumay maxkamada darajada koowaad ee Nugaal

Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta xukun 4 bilood xabsi ah ku xukuntay Yacquub Maxamed Cabdalle oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii hore ee magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland.

Waxaa xukunkaan ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamada Sheekh Cabdinuur Jaamac Xuseen, waxayna maanta ahayd maalintii seddaxaad oo maxkamad lasoo taago Yacquub Maxamed Cabdalle.

Yacquub Maxamed Cabdalla ayaa lagu soo eedeeyay inuu galay dambi ah kicin dadweyne, kadib markii uu dhawaan jeediyay hadal uu ku dhaliilay madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Ugu dambeyntii, gudoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa racfaan bil ah siiyay xukumane Yacquub Maxamed Cabdalle, sidoo kale wuxuu sheegay in xukunkaan la iibsan karo.

error: Content is protected !!