Sargaal u shaqeynayay hay’ad NGO ah oo lagu gowracay duuleedka B/weyne

Wararka naga soo gaaray deegaanka Luuq-jeeloow ee duuleedka magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Xarakada Al-shabaab ay halkaasi ku gowracen sargaal lagu magacaabo Cali Santuur oo u shaqeynayay hay’ad NGO ah.

Dad goob-joogayaal ah ayaa warbaahinta Bulshoweyn u xaqiijiyay in Cali Santuur ay u yeereen Xarakada Al-shabaab islamarkaana ay ku war-geliyeen inay cafis u fidinayaan oo uu imaan karo deegaanada ay maamulaan, balse markii dambe ay qoorta ka jareen.

Allaha u naxariistee Cali Santuur ayaa waxaa sidoo kale uu ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka xaafadda H/wadaag ee galbeedka magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale, ilaa iyo haatan wax hadal ah kama soo bixin madaxda maamulka gobolka Hiiraan iyo kan magaalada B/weyne, kaas oo ku saabsan dilka loo geystay Allaha u naxariistee Cali Santuur oo ay Al-shabaab ku dileen duuleedka B/weyne.

error: Content is protected !!