WARBIXIN:- Madaxweyne Xasan oo si xeeladeysan ku joojiyay shirweyne isaga looga soo horjeedo

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa qorshe la yaab leh oo aan hore loo arag ku joojiyay shirweyne ay soo abaabuleen waxgarad iyo odayaal ka tirsan beesha Hawiye, kaas oo looga soo horjeeday siyaasadda uu dalka ku maamulo iyo arrimaha doorashadooyinka ee 2016-ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa amar ku bixiyay in shirka ay yeelanayaan odayaasha iyo waxgaradka beesha Hawiye la joojiyo, balse markii laga dhaga adeegay kadib uu arrinkaasi u adeegsaday qorshe ay soo degeen hay’addaha amniga ee dalka.

Muddo daqiiqado kadib ayaa hay’adaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku dhawaaqday in la qabtay gaari ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa oo lagu weerari lahaa Hoteelka Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ahayd goobta uu shirka ka dhici lahaa.

Sida la sheegay shirkan ayaa waxaa soo abaabulay waxgarad ay ugu horeeyaan Boqor C/laahi Geedi Shadoor iyo Nabadoon Abuukar Ganeey, waxaana uu uljeedkiisu ahaa in beesha Hawiye ay uga doodo meesha uu dhigay madaxweyne Xasan Sheekh intii uu xilka haayay, iyo dhibaatooyinka masiiriga ah ee beesha kasoo gaaray Xasan Sheekh taladiisa.

Inkastoo aysan ahayn markii ugu horeeysay uu madaxweyne Xasan Sheekh uu is-hor-taago shir ka dhici lahaa magaalada Muqdisho, ayaa hadane waxaa la xusuustaa in shir ay lahaayeen beesha Mudulood oo ka hadleysay qaabka doorashada uu u adeegsaday hay’adaha amniga ee NISA, iyadoo shirkaasi lagu kala diray dadkii ka qeyb galay hoteelka Naasahablood 2.

Sidoo kale, amar kasoo baxay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamo ka tirsan nabad-sugida qaranka ee NISA waxay garoonka Muqdisho ka celiyeen Nabadoon C/laahi Geedi Shadoor oo u socdaali rabay shir ka dhacayay gobolada dhexe, iyagoo muddo kooban xiray kadibna fasaxay.

Si kastaba oo ay ahaataba, ilaa iyo haatan lama oga waxa ay odayaasha iyo waxgaradka beesha Hawiye ka yeeli doonaan arrimahaan lagu caburinayo siyaasadda ay uga soo horjeedaan qaabka uu wax u wado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay tani marqaati u noqonaysaa in Xasan Sheekh uu rabo in taladda dalka uu kaligiisa maamulo.

error: Content is protected !!