Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday kolonyo ciidan oo ka tirsan kuwa Kenya

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegayaa in ugu yaraan 4 askari oo Kenyan ah ay ku geeriyootay islamarkaana laba gaari oo kuwa dagaalka ahna ay uga gubteen ka dib markii ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen inta u dhaxeeysa deegaanka Buusaar  iyo degmada Ceelwaaq oo qiyaastii 40km isku jira .

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo ku sugan gobolka Gedo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkan ay ka dambeeyaan Xarakada Al-shabaab, balse ilaa iyo haatan lama oga qasaaraha nafeed ee kasoo gaaray dhinaca Al-shabaab.

Dhinaca kale, ma jirto war kasoo baxay dhinaca saraakiisha ciidanka Kenya ee ku sugan gobolka Gedo, kaas oo ay kaga hadlayaan qasaaraha soo gaaray ciidankooda lagu weeraray inta u dhaxeeysa deegaanka Buusaar iyo degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

error: Content is protected !!