Shil gaari oo qasaare geystay oo ka dhacay duuleedka Jowhar

Wararka naga soo gaaraya duuleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/dhexe ayaa waxa uu sheegayaa in halkaasi uu ka dhacay shil gaari ah, kaas oo ay ku geeriyootay ilaa 4 qof, iyadoona sidoo kale ay 5 kale ku dhaawacantay.

Laba ka mid ah dadka shilka ku geeriyootay ayaa waxay ahaayeen caruur, waxaana uu shilkaasi gaari ka dhacay deegaanka Buroow oo qiyaas ahaan 15Km dhanka galbeed uga beegan magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in gaarigaasi uu rogmaday, kadib markii darawalka uu xawaaro ku waday xilli inta badan wadooyinka halkaasi ay yihiin kuwa aad u bur-bursan.

Dad goob-joogayaal ah ee ku sugan goobta uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in dadkii dhaawacmay loola cararay Isbitaal ku yaala magaalada Jowhar, si xaaladoodu caafimaad halkaasi loogula tacaalo.

Si kastaba oo ay ahaataba, inta badan shilalka gaari ee ka dhaca gobalada dalka ayaa waxaa loo aaneeyaa darewaladda oo qaarkood la sheego in aysan wax qibrad ah u la heyn kaxeeynta gaadiidka iyo wadooyinka oo aan wax dayactir ah lagu sameyn tan iyo markii meesha ay ka baxday ama ay bur-burtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

error: Content is protected !!