DEG DEG:- Ciidamada Al-shabaab oo la wareegay deegaanada Camaara iyo Korodhi ee Mudug

Wararka naga soo gaaraya deegaanada Camaara iyo Korodhi ee koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay deegaanadaasi la wareegeen.

Sida ay sheegayaal qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegay in ciidamo ku hubeysan gaadiid dagaal islamarkaana ka tirsan Al-shabaab ay la wareegeen deegaanada Korodhi iyo Camaara,kuwaas oo haatan halkaasi gacanta ku haaya.

Dhinaca kale, madaxda maamulka Galmudug ayaa kulan deg deg ah ku leh magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulkaasi, kuwaas oo ka arrinsanaya qabsashada Xarakada Al-shabaab ee deegaanada Camaara iyo Korodhi ee koonfurta gobolka Mudug.

error: Content is protected !!