DEG DEG:- Jeneraal Gaafow oo si rasmi ah maanta loogu magacaabay taliyaha nabadsugida qaranka

War goordhaw kusoo dhacay xafiiska warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaya in shir ay leeyihiin golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya lagu ansixiyay in taliyaha rasmiga ah ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya uu noqdo Jeneraal C/laahi Gaafow Maxamuud.

Inkastoo Jeneraal Gaafow uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hore ugu magacaabay in xilka taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya NISA uu si KMG ah u haayo ayaa hadane golaha wasiirada ee XFS, waxay si rasmi ah ugu sharciyeeyeen xilkaasi.

Jeneraal Gaafow ayaa hore u ahaa taliyaha hay’adda socdaalka dalka Soomaaliya, ayaa waqtiyadda soo socda xilkaasi wareejin doono, waxaana uu si rasmi ah u qaban doonnaa xilkaan cusub, oo hore u hayn jiray Jeneraal Tuuryare.

Dhinaca kale, shirka golaha wasiirada oo maanta aan caadi ahayn ayaa waxaa sidoo kale ka doodi doonaa arrimo la xiriiro ammaanka dalka iyo sidoo kale afgambigii dhicisoobay ee lagu qaaday dalka Turkiga.

error: Content is protected !!