Puntland oo hanjabaad culus u dirtay Somaliland iyo xiisad ka taagan gobolada..

Wasiirka amniga ee maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo maanta shir jaraa’id ku qabtay aqalka madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo ayaa fariin adag u diray maamulka Somaliland oo maalimihii ugu dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadey gobolada Haylaan iyo Sanaag.

Wuxuu wasiirka sheegay in maamulka Somaliland uu daan-daansi qaawan ka wado gobolada Sanaag iyo deegaano kale oo ka mid ah gobolada Puntland isla markaana ah gobolo kusoo caano maalay nabad iyo xasilooni gaamurtey.

Sidoo kale, wasiir Qarjab ayaa tilmaamay in xilligaan la joogo aanay munaasib ahayn in sabab loo noqdo dhiig Soomaaliyeed oo daata, isla markaana loo baahan yahay in Somaliland ka waantowdo fadqalalada ay ka wado dhulka nabadda ah ee Puntland.

Wasiir Qarjab ayaa sidoo kale sheegay in aanay Puntland nabad ka qaadanayn daan-daansiga qaawan ee lagu hayo dalkeeda iyo dadkeeda.

“Xilligaan la joogo looma baahna in inta lasoo abaabulo dagaal dhex-mara Puntland iyo Somaliland, la daadiyo dhiig Soomaaliyeed, waanan cambaaraynaynaa arrintaasi, balse waxaan idiin cadeynayaa in aanay Puntland nabad ka qaadanayn cid walba oo kusoo xad-gudubta xuduudeheeda” Sidaas waxaa yiri wasiir Qarjab.

Ugu dambeyntii, Wasiirka amniga ee maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab wuxuu kaloo sheegay in aanay Puntland cidna duulaan ku ahayn, ayna diyaar u tahay inay nabad iyo deris wanaag kula noolaato cid walba ay xuduud wadaagaan, balse uu biyo kama dhibcaan ku tilmaamay inaanay Puntland wax gor-gortan ah ka geleyn xuduudeheeda, wixii cawaaqib xumo ah ee halkaasi ka yimaadana ay dusha u ridan doonto maamulka Somaliland.

error: Content is protected !!