Wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug oo shil gaari ah ku geeriyooday (AKHRISO MAGACYADA)

Wararka naga soo gaaraya gobalka Mudug ayaa waxay sheegayaan in caawa fiidkii wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug ay ku geeriyoodeen shil gaari ah oo ka dhacay inta u dhaxeeysa Bandiiradley iyo Seddax Higlo oo ka tirsan gobolkaas.

Wasiirada geeriyooday ayaa waxay ahaayeen laba wasiir dowle oo ka tirsan maamulka Galmudug iyo sidoo kale labo qof uu mid ka mid ah ahaa oday dhaqameed ka tirsan Galmudug.

Labada wasiir ayaa waxay kala ahaayeen wasiir dowlaha guud ee maamulka Galmudug Aweys Cali Saciid iyo sidoo kale wasiir dowlaha wasaaradda maaliyada ee Galmudug Baashe Magan.

Dhinaca kale, labada qof kale ee geeriyootay ayaa waxaa ka mid ahaa Allaha u naxariistee Nabadoon C/laahi Yuusuf Digsi oo ka mid ahaa waxgaradka Galmudug iyo sidoo kale askari ilaalo u ahaa wasiirada geeriyooday.

Mas’uuliyiintaas shilka ku geeriyootay ayaa sida la sheegay kasoo amba-baxay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxayna kusii socdeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Ilaa iyo haatan lama oga qaabka uu shilka u dhacay iyo waxa sababay, balse shilkaan ayaa qeyb ka ah shilalka badanaa ka dhaca wadooyinka gobolada dalka Soomaaliya, oo uu burbur xoogan ka jiro.

error: Content is protected !!