Ciidamada Itoobiya oo fal naxdin leh ka geystay deegaanka Wardiinle ee gobolka Bay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bay gaar ahaan deegaanka Wardiinle ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay dad rayid ah halkaasi ku laayeen.

Dadkaasi la laayay ayaa tiro ahaan la sheegay inay ahaayeen ku dhawaad 20 qof oo isugu jiray dad culumo ah iyo dad kale, waxaana la dilay xilli ay Quraan saarayeen nin xanuunsanayay.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo naga codsaday inaanay warbaahinta magacooda ku xusin xaalado amni awgeed ayaa inoo sheegay in ciidamada Itoobiya ay rasaas culus ku fureen niman culumo ah oo Quraan saarayay nin xanuunsan, iyo sidoo kale eheladii ninka quraanka la saarayay.

Ilaa iyo haatan lama oga sababta ay ciidamada Itoobiya falkaasi u geysteen, waxaana uu falkaan arxan daradda ah qeyb ka yahay, dilalka guracan oo ay ciidamada Itoobiya ku haayaan shacabka Soomaaliyeed.

Warkaan wixii kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!