DEG DEG:- Dagaal culus oo goordhaw ka bilaawday degmada Qoryooley

Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu dagaal qaraar ku dhex marayo ciidamada AMISOM  iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa sida la sheegay bilawday kadib markii ciidamada AMISOM ay dagaal ku qaadeen degmada Qoryooley, kadib markii Al-shabaab ay gelinkii dambe maanta halkaasi galeen.

Labada dhinac ayaa waxay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana uu dagaalkaasi sababay in dadkii ku haray degmada Qoryooley ay halkaasi ka qaxaan.

Ilaa iyo haatan lama oga qasaaraha uu dagaalkaasi geystay, balse waxaa degmada Qoryooley lama maqlayaa daryanka madaafiicda iyo rasaasta oo si is-daba joog u dhaceysa.

Warar madax banaan oo aan heleyno ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Al-shabaab ay isaga baxeen degmada Qoryooley kadib markii ay ciidanka AMISOM ay halkaasi weerar kusoo qaaday.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco wararkeena dambe Insha Allaah

error: Content is protected !!