DEG DEG:- Qarax aad u xoogan oo ka dhacay magaalada Marka xilli ay halkaasi kusoo wajahan yihiin..

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax aad u xoogan.

Qaraxaasi ayaa wararka qaar waxay sheegayaan in lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, halka warar kale ay sheegayaan inuu ka dhacay goob fagaare ah.

Sida ay sheegayaan warar madax banaan qaraxaasi ayaa ka dhashay qasaare xoogan, balse ilaa iyo haatan lama oga inta uu qasaarahaasi gaarsiisan yahay.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya xilli maanta ay magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose kusoo wajahan yihiin saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyadoona xaaladda magaaladaasi ay haatan tahay mid aad u kacsan.

Warkaan oo faah faahsan dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!