Faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa qarax saakay ka dhacay magaalada..

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax maanta ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose, kaas oo sida la sheegay lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa midowga Afrika ee AMISOM.

Qaraxaas oo aad u xooganaa ayaa sida la sheegay geysan wax khasaare ah, inkastoo qaraxaasi uu saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee ka jiray halkaas.

Ilaa iyo haatan ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada AMISOM, oo ay kaga hadlayaan qaraxa lala eegtay ciidamadooda.

Qaraxaan saakay ka dhacay magaalada Marka ayaa kusoo beegmaya xilli maanta lagu wado inay magaaladaasi booqdaan saraakiil ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

error: Content is protected !!