Madaxweyne Erdogan oo ka dalbaday Maraykanka inuu usoo gacan geliyo Fethullah Gulen

Madaxweyne dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo kula hadlay taageerayaal badan oo isugu soo baxay banaanbaxyo afaafka hore ee dhismaha xarunta baarlamaanka dalkaasi ayaa dowladda Maraykanka ka dalbaday inuu usoo gacan geliyo Fethullah Gulen.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Fethullah Gulen ku eedeeyay inuu ka dambeeyay afgambigii fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga.

Inkastoo dowlada Turiga ay baadi goobeyso Fethullah Gulen hadana isagu waa uu beeniyey inuu ku lug lahaa afgambiga dhicisoobay ee Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa xirtay kumanaan ka tirsan militeriga Turkiga oo ay uga shakisan tahay inay ka dambeeyeen afgembigaasi fashilmay.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka John Kerry ayaa ugu baaqay xukuumadda Turkiga in ay sharciga raacdo marka ay baaritaanka ku samayneyso isku daygaasi afgembi.

John Kerry ayaa sidoo kale sheegay in eedeymaha ah in Maraykanka uu ku lug lahaa isku-deygaasi ay dhibaato u geysan karaan xiriirka labada dal ee ka wada tirsan gaashaanbuurta NATO.

Hadalkaan kasoo yeeray John Kerry ayaa kusoo beegmaya xilli la hadal haayo in afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga uu ka dambeeyay Maraykanka, taas oo uu kuu xoghayaha arrimaha dibadda ka digay.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga in dowladda Maraykanka ay yeeli doonto codsiga madaxweyne Erdogan, kaas oo ah inuu usoo gacan geliyo Fetullah Gulen oo isaga lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga.

error: Content is protected !!