Shey Mire Dacar oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland

Waxaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ku geeriyooday fanaanka caanka ah ee Shey Mire Dacar, kadib markii sida la sheegay uu mudooyinkii ugu dambeeysay xanuunsanayay.

Waxaa geerida Allaha u naxariistee Shey Mire Dacar warbaahinta u xaqiijiyay Caabi Mire Dacar oo ah walaalka marxuumka geeriyooday oo isagana fanaan ah.

Allaha u naxariistee Shey Mire Dacar wuxuu fanka ka bilaabay magaalada Ceerigaabo 1980-meeyadii, kadibna waxa uu u gudbay magaalada Boosaaso.

Sidoo kale wuxuu muddooyinkii ugu dambeysay noolaa magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland, halkaas oo uu heeso iyo bandhig faneedyo badan ku sameeyay.

error: Content is protected !!