WARBIXIN:- Waa kuma shaqsiga lagu eedeeyay afgembigii dhicisoobay ee Turkiga?

Waxaa mar qura si weyn u soo shaac baxay magaca wadaadka Fathullah Gulen oo ah wadaad masaafuris iskiis ah ugu nool dalka Mareykanka oo Turki ah, kaas oo madaxweynaha Turkiga uu ku eedeeyay inuu ka danbeeyay afgembigii dhicisoobay ee Turkiga, isla markaana ka dalbaday Mareykanka inay u soo gacan geliyaan.

Haddaba waxaa isweydiin leh WAA KUMA FATHULLAH GULEN?

Waa wadaad ku dhashay dalka Turkiga oo 75 sano jir ah, kuna nool magaalada Saylorsburg, ee gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka kadib markii uu dalka Turkiga ka tegay sanadkii 1999-kii. Wuxuu madax u yahay dhaqdhaqaaq adeegyo badan fidiya oo lagu magacaabo HIZMET oo hore u taageertay xisbiga cadaaladda iyo horumarinta ee AK party.

Wadaadkan waa sunni suufi ah, oo aamisan fekrado islaami ah oo dhexdhexaad ah, wuxuu ka horjeeda xagjirnimad, wuxuuna la kulmaa madaxda kaniisadaha isagoo sanadkii 1990 tegay Vaticanka oo ay kulan wada yeesheen baadariga u sareeya kaniisada Katooliga Pope Paul II.

Ma jecla saxaafadda, mana ogola inuu la hadlo marka laga reebo marar dhif ah. Saxaafadda reer galbeedka waxay ku tilmaantaa wadaad dhexdhexaad ah oo raacsan reer galbeedka.

Dhaq-dhaqaaqa Hizmet ee wadaadkani leeyahay waxay taageertaa boqolaal dugsiyo aan diini ahayn, xaruno caafimaad, ururo gargaaar oo bixiya adeegyo lacag la’aan ah, taas oo usoo jiiday in dad fara badan oo Turki ah.

Dhaq-dhaqaaqa Hizmet ee wadaadaka Fathullah leeyahay wuxuu markii hore Erdogan ka taageeray sidii xisbigiisa awooda u qabsan lahaa, wuxuu leeyahay dad gaaray malaayiin oo raacsan wadaadkan gudaha dalka Turkiga.

Dadka raacsan, hay’adaha maaliyadeed ee uu leeyahay iyo saxaafadiisa waxay soo jiidatay indhaha Mareykanka iyo hay’adihiisa wax baara.

Wuxuu wadaadkani bilaabay inuu su’aal ka keeno hogaanka sii adkaanaya ee madaxweyne Erdogan iyo keli-talisnimada uu lasoo baxay, markii arrintani soo baxday oo labada nin ay isku dhaceen waxaa soo baxday eedeyn ku saabsan musuq-maasuq sanadkii 2012.

Xaaladaas ayaa keentay in madaxweyne Erdogan amar ku bixiyo baaritaan, waxaana olole lagu qaaday saraakiil la sheegay inay xiriir la leeyihiin wadaadka Fathullah Gulen, waxaa dowladda Turkiga ay ku eedeysay taageerayaasha inay dowlad hoos ka dhiseen dalka Turkiga oo ay doonayeen inay afgembiyaan dowladda sharciga ah ee dalkaasi.

Wuxuu madaxweyne Erdogan horaantii sanadka 2014 ka saaray booqlaal saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa booliska iyo ciidamada oo taageersan wadaadka Fathullah Gulen, waxaa kaloo la xiray warbaahin fara badan oo raacsaneyd wadaadkan.

Waxaa markii dambe cirka isku shareeray loolanka labada dhinac kadib markii uu dhacay inqilaabkii dhicisoobay ee dalka Turkiga, waxaana madaxweyne Erdogan uu ku eedeeyay inuu ka dambeeyay Fathullah Gulen, wuxuuna Mareykanka ka dalbaday in dowladiisa loo soo gacan geliyo wadaadkan.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah siyaasiyiinta Turkiga oo uu ku jiro wasiir ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu hoosta ka taageerayay wadaadka Gulen, taasoo uu si carro leh uga jawaabay Mareykanka, waxaana wasiirka arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry uu ka dalbaday Turkiga inuu caddeymo la yimaado.

Ugu dambeyntii, wadaadka Fathullah Gulen ayaa shir jaraa’id oo saxafiyin kooban ka qeyb galeen ayaa wuxuu ku beeniyay inuu isagu wax lug ah ku lahaa inqilaabka dhicisoobay, isagoona madaxweyne Erdogan ku eedeeyay inuu isagu maleegay inqilaabka, si uu taageero ugu raadsado shacabka Turkiga ah.

error: Content is protected !!