Beesha Shiikhaal oo ku heshiisay in xildhibaanada Beesha ee Aqalka Sare baarlamaanka lagu soo xulo Kismaayo (SAWIRO)

Shir ay beesha Shiikhaal ku yeelatay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa lagu soo af-jaray muran siyaasadeed oo ku aadanaa qaabka loo soo xulaayo xildhibaanada ay Beeshu ku yeelanayaan labada Aqal ee baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirkaasi oo ay kasoo qeyb-galeen wasiiro, siyaasiyiin, culumaa’udiin iyo waxgarad u dhashay beesha Shiikhaal ayaa waxaa soo abaabulay islamarkaana gogosha dhigay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Mudane Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere, waxaana sidoo kale kulanka shir-gudoominayay suldaanka guud ee Beesha Maxamed Muuse.

Kulankaasi ayaa lagu dhameeyey dhamaan khilaafkii siyaasadeed jiray, iyadoona lagu heshiiyey in xildhibaanada Beesha guud ahaan lagu soo xulo Jubbaland, halkas oo ah deegaanka Beesha ugu badan tahay, iyadoona meesha laga saaray murankii ahaa in xildhibaanada Beesha qaarkood lagusoo xulo Galmudug Cadaado.

Ugu dambeyntii, madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Luga Dheere ayaa u mahad celiyey dhamaan siyaasiyiintii iyo duubababkii kasoo qayb galay shirka.

Dhinaca kale, madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa isna goobta uu shirka ka dhacaayay kula kulmay dhamaan Ergadii kasoo qeyb-gashay shirka, isagoona kadib mid mid u gacan qaaday.

SHIR-SHIIKHAAL SHIR-SHIIKHAAL02 SHIR-SHIIKHAAL03 SHIR-SHIIKHAAL04 SHIR-SHIIKHAAL05 SHIR-SHIIKHAAL06 SHIR-SHIIKHAAL07 SHIR-SHIIKHAAL08 SHIR-SHIIKHAAL09 SHIR-SHIIKHAAL10 SHIR-SHIIKHAAL11 SHIR-SHIIKHAAL12 SHIR-SHIIKHAAL13 SHIR-SHIIKHAAL14

error: Content is protected !!