DAAWO SAWIRO:- Saraakiil iyo ciidamo badan oo Uganda ka socda oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Waxaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaaray ciidamo cusub oo ka socda militeriga dlaka Uganda, kuwaas oo sida la sheegay qeyb ka noqon doona ciidamada AMISOM ee ka howl-gala gudaha dalka Soomaaliya.

Ciidankaan oo ay la socdaan taliyaal ciidan ayaa badeli doona guuto ciidamo ah oo ay howshoodii u dhamaatay, sida ay sheegeen saraakiisha sar-sare oo ka tirsan ciidanka AMISOM.

Ciidanka Uganda ayaa ka mid ah ciidamada ugu badan ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, waxayna ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya ay gaarayaan 6,700 askari, marka la eego tirada guud ee ciidanka AMISOM oo ka badan 22,000 oo askari.

Ciidanka AMISOM ayaa isugu jira dhowr dal oo ay ka mid yihiin Burundi, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti, waxaana ciidamadaan cusub ee ka socda dalka Uganda taliye u ah sarkaal lagu magacaabo, Anthony Mbuusi Lukwago, iyadoo markiiba loo daabulay dhanaca gobolka Sh/hoose.

“Ciidamadaan cusub waxay ka qeyb-qaadan doonaan howlgalada ka socda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalada lagula jiro Xarakada Al-shabaab, muddo ayay ciidankaan ku jiri doonaan howlgalka,” Sidaas waxaa yiri taliyaha ciidamada Uganda ee ka tirsan kuwa AMISOM Brig. Sam Okiding.

Wuxuu Brig. Sam Okiding sidoo kale sheegay in ciidankan ay yihiin kuwo dagaalyahanno ah, islamarkaana ay si aad ah ugu kalsoon yihiin inay wax badan kusoo kordhin doonaan howl-galka ka socda Soomaaliya.

Dhinaca kale, Korneel Anthony Lukwago ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in howsha loo xil-saaray ay kasoo bixi doonaan, islamarkaana ay sameeyn doonaan wixii ay awoodooda ah, si  buu yiri ay uga guuleystaan cid walba oo la dagaalanta.
Ciidamo Uganda ee AMISOM-1 Ciidamo Uganda ee AMISOM-2 Ciidamo Uganda ee AMISOM-3 Ciidamo Uganda ee AMISOM-4 Ciidamo Uganda ee AMISOM-5

error: Content is protected !!