Dadkii lagu xasuuqay Wardiinle oo la aasay iyo argagax ka muuqdo wejiyo badan (MAGACYADA+SAWIRO)

Ciidamada Itoobiya ayaa gelinkii dambe ee shalay tuuladda Wardiinle oo qiyaastii 30km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxay ku dileen ku dhawaad 15 ruux oo isugu jiray culumaa’udiin, odayaal iyo dad shacab ah oo Quraan saarayay nin xanuunsanayay.

Qaar ka mid ah ehelada dadka la dilay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay rasaas ku fureen dadkaasi, iyagoona sidoo kale sheegay in ciidankaasi ay gowraceen laba ruux ka mid ah dadkaas.

Arrintaasi foosha xun ayaa timid kadib markii ciidanka Itoobiya ay dadkaasi ku eedeeyeen inay ka qarinayaan maleeyshiyaad Al-shabaab ah oo ay daba-joogeen, islamarkaana ay gabaad siinayaan.

Dadka deegaanka tuuladda Wardiinle ayaa si aad uga argagaxay dadkaan oo sida naxariis-daradda ah loo dilay.

Dhinaca kale, xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale xubno kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray deegaanka Wardiinle, si ay u soo qiimeeyaan wixii halkaasi ka dhacay.

Ugu dambeyntii, xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo warbaahinta la hadlay ayaa si cad u dafiray in ciidanka Itoobiya ay si bareer ihi ulaayeen dadkaasi, waxaana uu Shabaabku ku eedeeyay inay iyagu rasaas kasoo dhex rideen shacabka, rasaastii loogu jawaabeyna ay dadkaasi ku wax-yeeloobeen.

Dadka la laayay ayaa dhamaantood waxaa lagu aasay qabuure ku yaala tuuladda Wardiinle, waxay magacyadooda kala ahaayeen sida hoos ku xusan:-

  1. Aadan Bariire oo 85 jir ah
  2. Mad Ali Koley oo 82 jir ah
  3. Cali Xasan Manuur oo 70 jir ah
  4. Isxaaq Ibraahim Isxaaq oo 73 jir ah
  5. Macalin Isgow Ibraahim Isaaq oo 47 jir ah
  6. Sheekh Mad Ibraahim Sheegow oo 64 jir ah
  7. Aadan Ibraahim Sheegow oo 55 jir ah
  8. C/raxmaan Sheekh Mad Sheegow oo 40 jir ah
  9. Sheekh Nishow oo 45 jir ah
  10. Macalin Ibraahim Macalin Cali oo 42 jir ah
  11. Xasan Macalin Cumar oo 53 jir ah
  12. Siyaad Cabdulle Cabdoow oo 45 jir ah
  13. Cali Kheyr Cabdoow Ibraahim oo 44 jir ah
  14. Cali Xasan Ibraahim oo isna 40 jir ah

Wardiinle1 Wardiinle2 Wardiinle3 Wardiinle4 Wardiinle5 Wardiinle6

error: Content is protected !!