Madaxweyne Erdogan oo iska ilmeeyay xilli uu ka qeyb-galaayay aas loo sameeyay dadkii ku geeriyooday afgambigii dhicisoobay (SAWIRO)

Waxaa dalka Turkiga aas loogu sameeyay qaar ka mid ah dadkii ku geeriyooday isku daygii afgambi ee la doonaayay in talada dalka looga xayuubiyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha Erdogan ayaa waxaa uu magaalada Istanbul kaga qeyb-galay salaadda janaasada oo loogu sameeyay tiro ka mid ihi dadkii lagu dilay magaaladaasi habeenkii jimcaha, waxaana ay janaasadaan ka dhacday masaajidka Fatih.

Waxaa madaxweye Erdogan salaadda janaasada ku wehlinaayay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynihii hore Turkiga, Abdullah Olcak iyo ra’iisul wasaarihii xilka iska casilay bishii May waa Ahmet Davutoglu.

Markii la tukaday salaadda janaasada kadib ayaa waxaa la arkaayay madaxweynaha Turkiga oo ilmeynaaya, hadii dadkaan loo laayay iyagoo difaacaya dowladda uu hogaamiyo.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo la hadlay dadkii ku sugnaa masaajidka Fatih, ayaa tacsi u diray qoysaska, ehelada iyo asxaabtii ay ka baxeen dadkaasi.

Wuxuu madaxweyne Erdogan wacad ku maray in la soo qab qaban doono kuwii soo maleegay afgambigan dhicisoobay, ayna horkeenayaan cadaaladda, si sharciga loogu qaado.

Dhinaca kale, waxaa dalka Turkiga ka soconaaya baacsiga loogu jiro xubnihii soo abaabulay afgambigan, waxaana hadda xabsiga la dhigay sideed kun oo qof oo lala xiriirinaayo falkaasi .

Wasiirka garsoorka ee dalka Turkiga Bekir Bozdag ayaa maalintii Axada ahayd xaqiijiyay inay korortay dadka loo soo qab-qabanaayo isku dayga afgambi, waxayna tiradooda gaartay buu yiri sideed kun oo qof.

Ugu dambeyntii, waxa uu wasiirka ku goodiyay inay sii socon doonto qab qabashada, si cadaaladda loo horkeeno kuwii ka mas’uulka ahaa qalalaasaha dalkaas ka dhacay habeenkii Jimcaha.

Erdogan Erdogan1Turkish President Recep Tayyip Erdogan is escorted by loyal security staff following a funeral service for victims of the thwarted coup at Fatih mosque in Istanbul, Turkey, July 17, 2016. REUTERS/Murad SezerErdogan3 Erdogan4 Erdogan5 Erdogan6 Erdogan7 Erdogan8 Erdogan9 Erdogan10# Erdogan11Erdogan14 Erdogan15 Erdogan16 Erdogan17 Erdogan18 Erdogan19 Erdogan20 Erdogan21

error: Content is protected !!