Nin Itoobiyaan ah oo lagu toogtay magaalada Garoowe kadib markii uu nin shacab ah..

Wararka naga soo gaarayo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in maanta halkaasi xukun dil toogasho ah lagu fuliyay nin kasoo jeeday qowmiyada Tigreega ee dalka Itoobiya, kaas oo sida la sheegay qof shacab ah ku dilay magaaladaas.

Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa ninkaan horey ugu riday xukun dil ah, kadib markii uu si bareer ah Toorey ugu dilay Feysal Xuseen Jaaamac Banaf oo ahaa nin ganacsade ah, oo ay daris ahaayeen kan wax dilay.

Waxa uu dilka ninkaan ganacsada ahaa ka dambeeyay kadib markii uu u adkeysan waayay ninkaan Itoobiyaanka ah oo habeen kasta dili jiray xaaskiisa, waxaana uu markaasi kadib ku dacweeyay booliska kadibne la xiray.

Kadib markii ninkaasi lasoo daayay ayuu xilli habeen ah weeraray Feysal Xuseen Jaaamac Banaf oo maraayay meel u dhaw gurigiisa, waxaana uu markaasi tooreyda ugu dilay si naxariis darro ah.

Dhinaca kale, maalintii sabtida ahayd ee lasoo dhaafay ayay maxkamadu ninkaan ku wareejisay ehelada marxuumka dhintay, waxayna ku fuliyeen dil qisaas ah sida uu ii xaqiijiyay mid ka mid ah ehelada marxuumka.

Si kastaba ha ahaatee, xukunka dilka ah ee ninkaan Itoobiyaanka ah lagu fuliyay ayaa soo afjaraya warar maalmihii ugu dambeeyay la isla dhexmaraayay oo ku saabsanaa inay dowladda Itoobiya ka dalbatay Puntland inaanan la toogan ninkaas.

error: Content is protected !!