Qaliin dhinaca wadnaha looga sameeyay madaxweynaha Galmudug oo lagu guuleystay

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed oo maalmihii ugu dambeysay ku jiray Isbitaal ku yaala magaalada New Dehli ee dalka Hindiya ayaa lasoo sheegayaa in qaliin wadnaha looga sameeyay lagu guuleystay.

Madaxweyne Guuleed ayaa isbuucii hore ee lasoo dhaafay safar caafimaad ku tagay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya, kadib markii uu kusoo booday xanuun dhinaca wadnaha ah.

Sidoo kale, qaar ka mid ah eheladda madaxweyne Guuleed oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay inuu caafimaad qabo, islamarkaana ay haatan soo hagaagayso xaaladiisa caafimaad.

Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed dib ugu soo noqdo dalka hooyo, si uu u guda-galo waajibaadkiisa shaqo ee horyaala.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed uu kusoo booday xanuun dhinaca wadnaha ah, iyadoona sida la ogyahay xanuunadda ku dhaca wadnaha iyo qaliinkooda ay yihiin mid halis ah, inkastoo ay jiraan dhakhaatiir caalami ah oo takhasus u leh daaweynta iyo qaliinka cuduradda ku dhaca xubinta wadnaha ee aadanaha.

error: Content is protected !!