Weerar culus oo ay Al-shabaab ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda

Ciidan ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa weerar culus oo gaadmo ah ku qaaday fariisin ay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya kaga sugnaayeen tuuladda Ceelka Geelow ee duuleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Sida ay inoo sheegeen ilo-xog-ogaal ah oo ku sugan tuuladda Ceelka Geelow ayaa inoo sheegay in ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay soo weerareen fariisin ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weerarkaasi lagu soo qaaday kadib bilaabay inay iska difaacaan weerarka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan muddo 30-daqiiqo ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku geeriyootay ilaa 6 qof oo isugu jiray dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya .

Ilaa iyo haatan lama oga qasaaraha dhabta ah ee soo gaaray dhinaca Al-shabaab, waxaana iska hor-imaadka kadib ay Al-shabaab isaga baxeen tuuladda Ceel Geelow oo ah goobtii ay weerarka kusoo qaadeen.

Dhinaca kale, xiriir aan la sameynay maamulka degmada Balcad oo deegaan ahaan hoostagto tuuladda Ceelka Geelow ee weerarka lagu qaaday ayaan noo suurta gelin si aan wax uga weeydiino weerarkaas.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco wararkeena dambe Insha Allaah

error: Content is protected !!