AMISOM oo si deg deg ah uga hadashay xasuuqii ay dhawaan ciidanka Itoobiya ka geysteen tuuladda Wardiinle

War-qoraal ah oo ay AMISOM soo dhigtay barteeda Twitterka ayaa looga hadlay dhacdadii xasuuqa ahayd ee dhawaantaan ka dhacday tuuladda Wardiinle oo qiyaastii 30km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Ciidanka Itoobiya ee ku howlgala magaca AMISOM ayaa dhawaantaan tuuladda Wardiinle ee gobolka Bay ku dilay ilaa 14 oo rayid ah oo goob qura ku sugnaa, waxayna AMISOM sheegtay inay soo gaareen wararkaasi oo ku saabsan in ciidankaasi ay falkaasi ka dambeeyeen.

Waxay AMISOM sidoo kale barteeda Twitterka ku sheegtay inay baaritaan culus ku sameyn doonto arrintaan, islamarkaana ay dhowri doonto xaquuqda dadka rayidka ah, iyadoo ku dhaqmeysa xeerka adag oo Midowga Afrika u degsan, kaas oo ku saabsan bad-baadinta shacabka iyo sidoo kale yareynta qasaaraha dadka rayidka ah ee aan dambiga lahayn.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ay dil u geysteen ilaa 14 qof oo isugu jiray Culumaa’udiin, Odayaal iyo dad shacab ah, kuwaas oo la sheegay in xilligaasi ay Quraan saarayeen nin xanuunsanayay.

error: Content is protected !!