Cismaan Nuur Subagle oo la wareegay xilka taliyaha guud ee ciidamada AMISOM (SAWIRO)

Taliye u dhashay dalka Jabuuti ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka taliyaha guud ee ciidamada AMISOM kadib markii uu xilka baneeyay taliyihii hore ee AMISOM Jeneraal Jonathan Rono oo u dhashay dalka Kenya.

Jeneraal Cismaan Nuur Subagle oo maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka taliyaha ciidamada AMISOM.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa soo dhaweeyay taliyaha cusub ee AMISOM, wuxuuna sheegay in imaanshaha Jeneraal Subagle uu yimid waqti xasaasi ah oo aad loogu baahnaa.

Kadib markii ay dhamaatay xilligii Jeneraal Jonathan Rono uu taliyaha u ahaa AMISOM ayaa la sheegay in dowladda Itoobiya laga sugayay inay soo magacawdo taliye xilka kala wareega, laakiin waxaa arrintaasi ka dhashay khilaaf markii Itoobiya dalbatay in ciidamo dalkeeda ka socda la geeyo magaalada Muqdisho iyo arrimo kale.

Si kastaba ha ahaatee, magacaabidda taliye bedela Jeneraal Jonathan Rono oo Kenyaati ahaa ayaa qaadatay in ka badan muddo 6 bilood ah, waxayna khilaaf hoos oo darran ka dhex dhalisay dalalka ay ciidamada AMISOM ka socdaan iyo dowladda Itoobiya.

Cismaan Subagle1 Cismaan Subagle2 Cismaan Subagle3

error: Content is protected !!