Ciidamo la geeyay Isbitaalka Deva oo hoos-yimaada hay’adda Nile ee dhawaan digniinta la siiyay

Wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fiidnimadii xalay ciidamo geysay xarunta isbitaalka Deva oo hoos-yimaada hay’adda Nile ee laga leeyahay dalka Turkiga.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii dhawaantaan ay golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya soo saareen awaamiir la xiriirta in hay’adda Nile ay isaga baxdo guud ahaan dalka.

Hay’adda Nile ayaa lala xiriirinayaa inay ku lug-leedahay afgambigii dhicisoobay ee lala damacsanaa in lagu sameeyo xukuumadda Turkiga ee uu madaxweynaha ka yahay Recep Dayyip Erdogan.

Mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in arrintaasi loo sameeyay kadib markii cabsi laga muujiyay in xaruntaasi la bililiqeysto.

Isbitaalka Deva ayaa ka mid ah isbitaalada inta badan lagu daaweeyo dadka bukaanadda ah ee uu dhaqaalahooda fiican yahay, iyo sidoo kale bukaanada dadka mas’uuliyiinta ah.

Dhinaca kale, lama oga inta maalmood ay arrintaan sii socon doonto, inkastoo isbitaalka DEVA aynu jirin wax dan ah oo ay ku qabaan dadka danyarta ah ee Soomaaliyeed, waxaana dadkaasi laga qaadaa lacago xad dhaaf ah, xilliyada ay halkaasi u tagaan arrimo caafimaad.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii ay golaha wasiiradda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ay soo saareen digniin ah in muddo 7 maalmood ah ay hay’adda NILE uga baxdo guud ahaan dalka Soomaaliya, iyadoona muddadii lasoo saaray digniintaasi laga joogo muddo 4 maalmood oo kaliya ah.

error: Content is protected !!