DEG DEG:- Odayaasha Hiiraan oo maalmaha soo socdo ku dhawaaqi doono inay soo dhisi doonaan maamul ka madax-banaan DF Soomaaliya

Warar goordhaw naga soo gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in Odayaasha dhaqanka ee gobolkaasi ay maalmaha soo socdo ku dhawaaqi doonaan maamul ka madax-banaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Odayaashaas oo saacadaha soo socdo caleema saari doonna Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa sidoo kale sheegay in maalmaha soo socdo ay soo dhisi doonaan maamul ka madax-banaan dowladda federaalka Soomaaliya .

Ilaa iyo haatan lama oga xilliga rasmiga ah oo ay Odayaashaas dhaqanka ku dhawaaqi doonaan maamulkaasi ka madaxa-banaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Arrintaan ayaa kusoo beegmaysaa xilli qaar ka mid ah Odayaasha Hiiraan ay diideen inay ka qeyb galaan shirka maamulka loogu sameynayo gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ee lagu qabanaayo magaalada Jowhar.

Dhinaca kale, ma jirto wax hadal oo kasoo baxay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo ay kaga jawaabayaan hadalkaan kasoo yeeray Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya iyo urur goboleedka IGAD ayaa u muuqda kuwa ku guuldareystay inay xaliyaan arrinta maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, iyagoo ilaa iyo haatan weli qancin la’¬†Odayaasha dhaqanka ee goboka Hiiraan.

error: Content is protected !!